Xarrakada Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka oo Maamul Cusub u Magacowday Degmada Afmadow

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Maamulka xarakada Al shabbab ee gobbalada jubbooyinka ayaa manta kaga dhawaaqay degmada Afmadow ee gobolka J/hoose maamul cusub oo bedeli doonaa maamulkii hore uga dhisnaa degmadaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska maamulka xarakada Alshabaab ee Jubooyinka ayaa lagu badalay maamulka hore uga dhisnaa degmada Afmadow iyadoona wareegtadaasi uu warbaahinta u aqriyay Gudoomiye K/xigeenka maamulka xarakada Alshabaab ee Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Sahal, oo isagu sheegay in ay badaleen maamulkii hore uga dhisnaa degmada Afmadow islamarkaasina ay u soo magacaabeen Maamul Cusub oo bedela.

Sheekh C/raxmaan Sahal ayaa sheegay in gudoomiyaha cusub ee maamulka ay u magacaabeen Sheekh Max’ed Guhaad (Abuu Sacad), iyadoona uu badali doono gudoomiyihii Hore ee Sheekh Muuse, waxaana uu xusay in maamulkii hore uu aad u shaqeeyay kan cusubna ay rajeynayaan in uu qaban doono shaqo ka badan tii hore iyagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay la shaqeeyaan.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afmadow Sheekh Max’ed Guhaad oo isagu qudbad ka jeediyay xafladii magacaabista ayaa waxa uu sheegay in uu aad usoo dhaweynayo xilka cusub ee loo magacaabay isagoona ballan qaaday in uu u gudan doono waajibaadka laga doonayo si waafaqsan shareecada Islaamka.

Guddoomiyihii hore oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u hambalyeeyay masuulka cusub ee xilkiisii loo magacaabay, isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay magacaabista masuulkan cusub ee isaga lagu badalay, waxaana uu intaasi ku daray in xilku uu yahay mid wareegayo oo ay macquul tahay in uu isagu markale kusoo laabto booskiisii.

Ugu danbeyntii waxa halkaasi qudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyin katirsan maamulka Alshabaab ee gobollada Jubooyinka, waxaana ay dhamaantoodba u hambalyeeyeen gudoomiyaha cusub, iyagoona gudoomiyihii hore ku amaanay waxqabad.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee maamulka xarakada Alshabaab ee Juboyinka uu isku bedelo maamullo ka dhisan gobollada Jubooyinka, haseyeeshee waxa jirtay marar badan oo degmooyinka katirsan gobollada Jubooyinka ay ka dhacday magacaabista ceynkan oo kale ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Kismaayo, Soomaaliya