Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa soo dhaweeyay ansixinta Dr. C/weli Maxamed Cali oo toddobaadkii hore loo magacaabay xilkan, isagoo sheegay inuu ka rajaynayo inuu kasoo bixi doono mas'uuliyadda dhabarka loo saaray.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Nuur Cadde oo u warrramayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada uu baarlamaanku ku ansixiyay ra'iisul wasaare C/weli mid muujinaysa in baarlamaanka ay ka go'an tahay in howlaha dowladdu socdaan.
"Runtii codadka lagu ansixiyay Dr. C/weli Gaas ma ahayn kuwo la filayay, waxaana u arkaa xildhibaannada baarlamaanka inay ka go'an in horay loo socdo," ayuu yiri Nuur Cadde oo uga digay madaxda DKMG ah khilaafyo dambe oo soo dhexgala.
Nuur Cadde oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay sannadkii 2007, ayaa xilka ka tagay dhammaadkii 2008 markaasoo uu billowday shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta, wuxuuna markii xafiiska loo magacaabay uu bedelay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isku xasilay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo C/llaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya.
"Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya waxaa horyaalla howlo badan oo ay tahay sidii lagu soo celin lahaa ammaan, waxaana ugu baaqayaa inay ka fogaadaan khilaaf dambe oo soo dhexgala ayna howsha hortaalla u gutaan si isku duubni ah," ayuu yiri Nuur Cadde.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisay, baarlamaanka iyo madaxweynaha ay u wada-shaqeyn doonaan halka sano ee soo socda si wadajir ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya