Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Iyadoo ay waxyar kaharsanyihiin xilliga badxiranka ee gobollada Jubooyinka looga yaqaan (Xilliga Kuusiga) ayaa waxa sare u kac aad u xoogan laga dareemayaa maciishada deegaanada jaziiradaha koonfureed ee gobolka J/hoose.
Degaanada Jaziiradaha ee sare u kacan xoogan laga soo sheegayo ayaa waxaa kamid ah deegaanada: Kudhaa, Buurgaabo, Madhabo, Chula iyo Chawai, kuwaasoo oo dhamaantood ku dhex yaal gudaha badda.
C/laahi Xuseen Cali oo ka mid ah odoyaasha deegaanka Kudhaa ayaa HOL u xaqiijiyay in sare u kac aad u xoogan laga dareemayo maciishada kala duwan ee deegaanada jaziiradaha, isagoona arintaasi u aaneeyay ganacsigii jaziiradaha uga iman jiray dhanka magaalada Kismaayo oo yaraaday.
Sidoo kale, C/llaahi Xuseen wuxuu ka dayriyay nolosha dadka ku dhaqan deegaanada jaziiradaha, maadama buu yiri ay yaraadeen waxyaalaha lagama maarmaanka u ah nolosha ee soo gaari jiray Jaziiradaha oo ay kamidka yihiin biyaha la cabo iyo raashiinka qutul duruuriga ah.
Dadka ku dhaqan Deegaanada jaziiradaha ayaa iyagu walaac ka muujiyay xilliga badxiranka ee fooda nagu soo hayo, oo ah xilli ay aad u kacsantahay badda islamarkaasina ay istaagaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsiga, maadaama ay xilligaasi adagtahay in doomaha ay u safraan dhanka Jaziiradaha, dabeylo xoogan iyo badda oo aad u kacda awgeed.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya