Dagaal khasaare badan dhaliyay oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal saacado badan socday oo ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray deegaanlka May-kaa-reebay oo u dhexeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo billowday shalay gabal-dhicii ayaa socday illaa xalay fiidkii, wuxuuna qarxay markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka yimid Doolow kuna socday degmada Garbahaarey ay jidka u galeen xoogagga Xarrakada Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas ay ku dhaawacmeen 30-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan.

Inkastoo aanay jirin dad shacab ah oo la sheegay inay dagaalka wax ku noqdeen, haddana afhayeenno u kala hadlay labada dhinac ayaa waxay guulo ka sheegteen dagaalka, iyadoo saakay xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ay deggan tahay, balse labadii ciidan ay weli is-hor-fadhiyaan.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee DKMG ah Maxamed Cabdi Kaliil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jid-gooyo ay u dhigeen xoogagga Al-shabaab ayna iska difaaceen, isagoo intaas ku daray inay dileen 12-dagaalyahan oo qayb ka ahaa dagaalka, balse ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda soo garay.

Afhayeenka howlgallada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isna dagaalka ka warbixiyay ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay kaga hor-tagayeen ciidammo ka yimid Itoobiya oo ku socday Garbahaarey si ay dadka muslimiinta ah u dhibaateeyaan ayna dagaalka kaga dileen askar badan.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac ayaa 15-ka qof ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka waxay ka tisranaayeen ciidamadii dagaalamay, iyadoo in ka badan 30-ruux oo kalena ay dhinacyadii dagaalamay ka dhaawacmeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya