Madaxweyne Siilaanyo oo isku-shaandhayn ku sameeyay Xukuumaddiisa, xilal cusubna magacaabay

Sabti, 11 June 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xukuumaddiisa ku sameeyay isku-shaandhayn, xil-ka-qaadis iyo sidoo kale magacaabis wasaarado cusub.

 

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadu, madaxweynuhu wuxuu xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiiro, Agaasimayaal guud iyo sidoo kale Taliyihii Ciidamada Booliska. Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sedan;

 

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

 

Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd.

Waxaanay kala yihiin sidan

 

1-Cabdirisaaq Cali Cismaan, waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

2- Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay), waxa loo magacaabay, Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga.

3- Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, waxa loo magacaaba Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda.

4-Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada

5- Cabdi Siciid Faahiye, waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6-Maxamed Saqadhi Dubbad, waxa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL

7- Xuseen Axmed Caydiid, (Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud), waxa loo magacaaba

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka.

 

8- Ismaaciil Muumin Aar (Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada), waxa loo magacaabaWasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

 

9-Maxamuud Raage Ibraahim, waxa loo magacaabay Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah. 

 

10- Axmed Dalal Faarax, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada.

 

11- Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh), waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka.

 

12- Maxamed Faarax Xirsi, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga

 

13-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta

 

14- Siciid Axmed Jibriil, waxa loo magacaabay Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta.

 

15-Axmed Cilmi Barre, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta.

16-Xasan Cabdi Madar, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada.

Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday;

 

1-Cilmi Rooble Furre, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL

2-Maxamed Ibraahim Madar, Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

3-Siciid Cali Wayrax, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

4-Axmed Nuux Caalin, Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta

5-Axmed Cabdilaahi Rooraaye, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland