Ururrada bulshada rayidka ah oo kulan ay uga soo horjeedaan heshiiskii Kampala ku yeeshay Muqdisho

Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Kulan ay maanta isugu yimaadeeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ayaa si kulul loogaga soo horjeestay go’aamadii ka soo baxay shirkii Kampala ee ay kusoo heshiiyeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xarunta SOSCENSA ee magaalada Muqdishoo ayaa qaybihii kasoo qaybgalay oo isugu jiray culumaa’uddiin, aqoonyahanno, ganacsato, ururada haweenka, kuwa dhallinyarada, ururada bulshada iyo odayaasha dhaqanka ayaa si qoto dheer looga dooday 10-kii qodob ee kasoo baxay Kampala, waxayna kasoo qayb-galayaashu sheegeen in qodobbadaasi guud ahaan ay liddi ku yihiin xeerarka dalka u degsan, loona baahan yahay in gebi ahaanba laga hor yimaado.

"Go’aamadaasi waa kuwo lagu majaxaabinayo dadaalka ay xumuumadda Farmaajo qabatay, laguna baab’inayo rajada curdanka ah ee bulshada Soomaaliyeed ee nabadda iyo nidaanka u ooman," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay kulnkaasi.

Heshiiska Kampala ayaa xubnaha kulanka kasoo qaybgalay ku tilmaamay inuu yahay heshiis labo masuul ay gaareen, kuna ilaashanayeen danahooda gaarka ah, iyagoo iska-indho-tiray masuuliyaddii ay bulshada u hayeen.

Ka soo qaybgalayaashu ayaa gebagebadii kulankooda kasoo saareen baaqan:

  1. In bulshada Soomaaliyeed gebi ahaanba kasoo horjeestaan heshiiska Kampala.
  2. Inay is-casilaan labada masuul ee madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka
  3. In xukuumadda Ra'iisul waasaare Farmaajo ay si habsami ah u sii-wadato howlaheeda, ayna sii labalaabto waxqabadkeeda
  4. In xildhibaanada baarlamaanka kusoo biiraan kacdoonka dadweynaha.
  5. In la xoojiyo kacdoonka bilowday, lana joogteeyo ilaa laga laalayo heshiiskaas.
  6. In la nidaamiyo kacdoonka. Lagana dhigo mid nabadeed.
  7. In bannaanbaxayaashu fahmaan danta laga leeyahay bannaanbaxa ayna ilaaliyaan nidaamka iyo hantida shacabka.
  8. In hay'adaha amniga ay ka shaqeeyaan sugidda amaanka magaalada Muqdisho.
  9. In la qabto shirkii Juun ee dowladdu ku baaqday.
  10. In bulshada Soomaaliyeed isku tashato, kana fogaato khilaafaatka u nuglaynaya faragelinta shisheeye.
  11. In dowladaha caalamka tixgeliyaan madaxbanaanidda Soomaaliya, fargelintana ka daayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya