Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay inuusan is-casilin

Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo gacan saar la leh dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaare Max'ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) inuusan xilka ka degin, uuna qadariyo kacdoonnada shacabka ay ku doonayaan inuusan xilka ka tegin.

Afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi) oo la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay in Ahlusunna ahaan ay taageerayaan kacdoonnada shacabka ayna ku talinayaan in xukuumaddu ay howlaheeda sii wadato.

"Shacabku waxay doonayaan waa xukuumadda, haddii dadaalka caalamka uu ahaa in xukuumadda loo dhiso Soomaaliya way arkaan xaalka, haddiise ay ka ahayd inay dantooda u dhistaan xukuumadna maanta way u jeedaan - wayna maqlayaan waxa ka dhacaya Muqdisho,"ayuu yiri Sheekh C/llaahi Al-Qaaddi.

Wuxuuna hadalkiisa dabo-dhigay: "Ra'iisul wasaare shacabku kaa dooni maayaan inaad lacag siiso, balse waxay kugu taageerayaan waa dagaallada aad kula jirto Al-shabaab iyo dadaalka dheeraadka ah ee aad muujisay, waxaana kaa codsanaynaa inaan tixgeliso dalabkooda."

Afhayeenka Ahlusunna, wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ra'iisul wasaaraha uu ku gaaray go'aan inuu xilka isaga tago uusan ka tegin shacabka oo jidadka daadsan, blase markii uu guryahooda dib ugu celiyo uu isagoo sharaf leh iscasilo.

Hadalkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo kasoo baxa Ahlusunna Waljamaaca waxaana uu kusoo beegmay iyadoo Muqdisho lagu dilay fiidnimadii xalay wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, kaddib markii lagula beegsaday gurigiisa qarax ismiidaamin ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka dhacay dibadbaxyo lagu taageersan yahay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo ra'iisul wasaare Farmaajo, kuwaasoo dhanka kale looga soo horjeeday labada Shariif.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya