Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii shalay ku timid Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, muddaaharaadyadii labadan cisho kadhacayey waddanka gudihiisa iyo waddamada dibedda iyo heshiiskii Kampala.
Golaha Wasiirada waxey ka tiiraanyeysan yihiin geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Farax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo AmnigaQaranka oo ku geeryooday qarax argagaxiso oo ay soo qorsheysay Al-shabaab. Golahu waxa ay tacsi u direendhammaan shacabka Soomaaliyeed, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumku.
Golaha Wasiirada waxay soo dhoweeyeen, rabitaankii shacabka Soomaaliyeed eedalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ku muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo xukuumaddiisa. Taasoo ah markiiugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo ay shacabka si hagar la’aan ah u muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda.
Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) wuxuu golaha siiyey warbixin ku saabsan kulamadii iyo heshiiskii Kampala. Kadibna Golahu waxay ka doodeen qoddobada heshiiskii Kampala waxayna go’aamiyeen arrimahan:
1. In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo Baarlamaanka, lana waafajiyo Axdiga KMG ah iyo shuruucda dalka u degsan.
2. Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobadakale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshahaBaarlamaanka Soomaaliya. Golaha Wasiiraduna waxay diyaar u yihiin inayaqbalaan go’aanka Baarlamaanka.
3. Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto inmuddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, siXukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaanHay’adaha Dastuuriga ah ee dalka
Afhayeenka Xukuumadda KMG ah
Inj. C/ramxaan Cumar Yariisow
Muqdisho, Soomaaliya
Golaha Wasiirrada oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho kaga hadlay heshiiskii Kampala iyo dilkii Wasiirkii Arrimaah Gudaha
More News
- Madaxweyne Siilaanyo oo isku-shaandhayn ku sameeyay Xukuumaddiisa, xilal cusubna magacaabay
- Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo kacdoonka Muqdisho ku sheegay mid shacabku ay dantooda ku garteen
- Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Soomaaliya oo lagu aasay Qubuuraha Sheekh Suufi ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Qarammada Midoobay iyo ciidamada AMISOM oo cambaareeyay weerarkii lagu dilay wasiirkii Arrimaah Gudaha DKMG ah
- Ururrada bulshada rayidka ah oo kulan ay uga soo horjeedaan heshiiskii Kampala ku yeeshay Muqdisho
- Burcabadeed Soomaaliyeed oo madaxfurasho 12 Milyan oo Dollar ah kusii daayay markab laga leeyahay Kuwait
- Libaaxyo dad iyo duunyo fara badan gaajo awgeed ugu cunay deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo
- Musharaxa Cali Cabdulle Guure oo booqosho ku maraya Canada iyo Mareykanka
- SHIIKH CALI DHEERE: "Waxaan Alle mahaddii inoo suurtagashay inaan Wasiirkii Arrimaha Gudaha ugu xirno sariirtiisa qalabkii dili lahaa"
- Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay inuusan is-casilin
- Dawladda Ismaamulka Somalida Itoobiya oo xarig kaga jawaabtay xubno sirdoonkooda ka tirsan oo lagu xiray Somaliland
- Xildhibaanno kasoo horjeestay go'aannadii Kampala dabadayna in guddi xaqiiqo raadin ah loosoo diro Soomaaliya