Dawladda Ismaamulka Somalida Itoobiya oo xarig kaga jawaabtay xubno sirdoonkooda ka tirsan oo lagu xiray Somaliland

Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Ciidamada Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa bilaabay inay xidh-xidhaan cid kasta oo ka tallowday dhinaca xuduudka Somaliland ee Tog-Wajaale, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland xidhay laba qof oo ka mid ah Sirdoonka Killilka shanaad, kuwaas oo lagu eedeeyay sharci-darro.

Ciidamada gaarka ah ee Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Boolis, ayaa xadka Itoobiya ay la wadaagto Somaliland ee Wajaale ka bilaabay inay xidh-xidhaan cid kasta oo ka socota dhinaca Somaliland oo u tallowda dhinaca Itoobiya, "Waxa imika xidhan laba Gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Gaadhigii Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo si sharci ah ku galay xadka, waxaanay imika haystaan oo ay xidheen inta la hubo shan qof," sidaa waxa HOL khadka Telefoonka ugu sheegay qof ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo arrintan xog-ogaal u ah.

Hawl-galkan ayaa ka dambeeyay markii ay Ciidamada ammaanka ee Somaliland xabsiga u taxaabeen laba nin oo ka tirsan Ciidamada Sirdoonka ee Killilka shanaad, "Xuduudka ayay si sharci-darro ah oo aan la ogayn uga soo tallaabeen, waxaana Ciidamada Sirdoonka Somaliland ka war heleen iyaga oo habeeno degan dhinaca Somaliland, waxaanay doonayeen in ay xidhaan oo ay kaxaystaan qaar ka mid ah Ganacsatada Somaliland oo ay ku eedeeyeen inay dhaqaale ahaan taageeraan Jabhadda ONLF" ayuu yidhi qofkan u waramay HOL oo arrimo amni dartood ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Markii la baadhay waxa labada Nin laga soo saaray Magacyada dad ganacsato reer Somaliland ah oo ay doonayeen inay xidhaan, markaa imika way xidhan yihiin."

Labada nin ee la sheegay in ay ka tirsan yihiin Sirdoonka Killilka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay maalintii lixaad ku xidhan yihiin magaalada Tog-Wajaale, "Waxa masuuliyiinta Tog-Wajaale ee dhinaca Somaliland la soo xidhiidhay masuuliyiinta Ciidamada Liyuu Boolis, waxaanay yidhaahdeen, noo soo daaya raggaasi anaga ayay naga tirsan yihiine, markii lagu yidhi, si sharci-darro ah ayay kaga soo tallaabeen xadka, dembigaasaana lagu hayaa oo waxay doonayeen inay fuliyaan hawlaha noocaas ahna, waxay bilaabeen inay cid kasta oo sifo sharci ah kaga tallowda dhinaca xadka oo ka socota Somaliland la xidho, waxaana hadda xidhan gaadiid iyo dad reer Somaliland ah," ayuu intaa raaciyay qofka u waramay HOL.

Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh xooggan oo siday masuuliyiintu sheegeen la xidhiidha dhinaca amniga, ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac, waxaana ka dhaxeeya Heshiis ah in laysu dhiibo cid kasta oo u kala tallowda labada dhinac oo la kala dalbado, hase ahaatee, masuuliyiinta labada dhinac ee heer Xukuumadeed, ayaan arrintan ka hadal, waana arrintii u horraysay ee labada dhinac sidaa isugu maan-dhaafaan.

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland