Burcabadeed Soomaaliyeed oo madaxfurasho 12 Milyan oo Dollar ah kusii daayay markab laga leeyahay Kuwait

Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 12-milyan oo Dollar kusii daayay markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kuwait iyo 29-shaqaale ah oo la socday, kaasoo uu ka dul-babanayay calanka dalka Imaaraadka.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Zirku ayaa waxaa afduub ahaan loo qabsaday 28-kii bishii Maarso ee sannadkan, isagoo ka yimid dalka Sudan kuna socday dalka Singapore.

"Waxaan madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 12 milyan oo dollar aan kusii daynay markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay Kuwait, mar hore ayuuna ka dhaqaaqay halkii aan ku haysannay," sidaa waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ruux magaciisa kusoo koobay Rashiid oo u hadlay burcadbadeedda.

Andrew Mwangura, oo isha ku haya dhacdooyinka badaha Soomaaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya ayaa u xaqiijiyay Reuters sii-daynta markabkan, isagoo sheegay in shaqaalaha markabka la socda ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay.

Madaxfurashadan lacageed ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee lagu bixiyo markab tan iyo markii ay kooxaha burcadbadeedda ah afduubyada maraakiibta ka bilaabeen badweynta Hindiya iyo badda cas.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa malaayiin dollar oo lacag ah ka hela maraakiibta iyo shaqaalaha ay afduubka ku qabsadaan. Taasoo hoos u dhac dhaqaale ku keenay dunida oo dhan.

Iyadoo lasoo xiganayo hay'adda badaha caalamka burcadbadeedda Soomaalidu waxay madaxfurasho ahaan u heleen labadii sano ee ugu dambeeyay 12-milyan oo Dollar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya