Musharaxa Cali Cabdulle Guure oo booqosho ku maraya Canada iyo Mareykanka


Sabti, June 11, 2011(HOL): Musharaxa u tartamaya Madaxweynenimada Soomaaliya, Mudane Cali Cabdulle Guure ayaa booqasho toddobaad ah ku yimid Toronto bishan Juun 8-dii, asagoo qorsheynaaya in uu halkaa kula kulmo bulshada Soomaaliyeed iyo madax badan oo Canadian ah.  Isla markiiba musharaxa oo ku soo degay Hoteel-ka weyn ee Crown Plaza ee galbeedka Toronto ayaa waxaa booqasho aan kala go’ laheyn ugu yimid dad badan oo ka tirsan bulsho-weynta reer Toronto iyagoo u muujinaayey sida ay ugu faraxsan yihiin imaashadiisa Toronto iyo in uu isu soo taago tartanka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Musharaxu waxaa kale oo si rasmi ah u qaabishay madaxa xisbiga weyn ee NDP-da ee gobolkan Ontario, Marwo Andrea Horwath, ayagoo is weydaarsaday warbixin ku saabsan Soomaaliya iyo Canada. Marwo Horwath oo aad ula dhacday warbixinta uu siiyey mudane Cali Cabdulle Guure ayey warxay u rajeysay in uu ku guuleysto tartanka uu ku jiro.

Musharaxu wuxuu kulan weyn la yeelan doonaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee Toronto bishan 17-keeda, asagoo u soo bandhigi doonaa qorshahiisa siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mudane Cali Cabdalla Guure wuxuu kale oo booqasho ku tagi doonaa toddobaadka danbe magaalooyinka Ottawa iyo Washington ee waddamada Canada iyo Mareykanka oo uu kula kulmi doono madax ka tirsan labada waddan.