Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo kacdoonka Muqdisho ku sheegay mid shacabku ay dantooda ku garteen


Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay ku-simaha guddoomiyaha xisbiga nabadda & hormurka, ahna guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Maxamed Sheekh Xasan Fiqi ayuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira kacdoonka ay shacabku ka dhigeen Muqdisho 9-ka Juun.

"Xisbiga nabadda iyo horumarka wuxuu hamabalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee gartay danahooda muddo 20-sanno kaddib, si wanaagsan oo Soomaalinimo ahna ku muujiyay dareenkooda," ayuu yiri ku simaha guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo horumarka.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xisbigu uu shacabka ugu baaqayo dhowrkan qodob:

  1. Inay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka qaybqataan ayna u soo baxaan kacdoonka si loo gaaro loona xoojiyo danaha shacabka Somaliyeed.
  2. Inay Shacabku inuu ilaaliyo amniga iyo kala dambeynta.
    Inay ka fogadaan burburinta hantida guud iyo midda gaarka loo leeyahay.
  3. Inay dulqaad mujiyaan ayna sii wadaan kacdoonka si loo gaaro hadafkii laga lahaa.
  4. Inay ka feejignaadaan kuwa fidna wadayaasha ah oo laga yaabo inay kacdoonka waji kale oo guracan u weeciyaan.
  5. In ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay amniga shacabka kacdoonka wada sugaan, si ay hawshooda ugu gutaan qaab nabadeed.

Ugu dambeyn, baaqa waxaa lagu sheegay in shacabka la farayo inay la shaqeeyaan ciidamadda nabada sugaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya