Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho Jimcihii shalay ayaa kasoo horjeestay go'aannadii kasoo baxay shirkii ay madaxda DKMG ah ku yeesheen dalka Uganda, waxayna Dunida ugu baaqeen inay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan Soomaaliya si ay u arkaan kacdoonnada shacabku wadaan.
Mudanayaashan oo tiradoodu ahayd 50-xubnood ayaa kulankooda waxay uga doodeen qodobbada shirkii Kampala kasoo baxay, iyagoo si aad ah u dhaliilay qodobka lagu dalbanayo inuu ra'iisul wasaaruhu iscasilo iyo kuwo kale.
"Waxaan kasoo horjeednaa go'aannadii kasoo baxay shirkii Uganda, waxaana taageeraynaa kacdoonnada shacabka ay ku doonayaan in xukuumadda jirta ay sii shaqeyso," ayay mudanayaashan ku sheegeen kulankooda ay ku yeesheen Muqdisho.
Xildhibaannada waxay sheegeen in shacabku ay dalbanayaan in xukuumadda jirta ay sii shaqeyso, ayna dunida ka doonayaan inay u soo dirto guddi xaqiiqo raadin ah oo arka rabitaanka shacabka iyo kacdoonnada lagu dalbanayo in xukuumaddu ay jirto.
"Madaxweynaha Uganda waxaan ka doonaynaa inuu noo caddeeyo qodobka 10-aad ee oo dhigaya in heshiiskan la difaacayo, macnuhu ma wuxuu u dhacayaan in la dilo shacabka haddii ay kasoo horjeestaan qodobbadaas ," ayuu yiri mudane Bood C/lla Magan oo ka mid ahaa mudanayaashii shiray oo kulankooda kaddib la hadlay saxaafadda.
Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen inaysan aqbalayn go'aannada shirkaas kasoo baxay haddii la horkeeno baarlamaanka ay diidi doonaan, iyagoo sidoo kale xusay in shacabku waxay doonayaan wax ka duwan aysan doonayn.
Ugu dambeyn, mudanayaashan ayaa soo dhaweeyay kacdoonnada dalka ka jira iyagoo sheegay in labada Shariif ay danta shacabka iyo tan dalka ay ka horumariyeen middooda gaarka ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya