Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Qarammada Midoobay iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa warsaxaafadeedyo ay maanta soo saareen ku cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu dilay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, kaasoo ay mas'uuliyadiisa sheegatay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Ergayga xoghayaha guud uQarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga ayaa sheegay in dilka wasiirku uu argagax geliyay, isagoo tacsi u diray DKMG ah iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
"Weerarkan waa mid ay cambaareynayaan dhammaan inta doonaysa in nabaddii Soomaaliya ay soo laabato," ayuu yiri danjire Mahiga. "Kuwa fuliyay weerarkan ma doonayaa in Soomaaliya ay nabad iyo daganaasho kusoo laabato," ayuu raaciyay hadalkiisa.
Sidoo kale, warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM oo uu ku saxiixnaa taliyahooda Maj-Gen. Nathan Mugishe ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarka, waxaana lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu qaarijiya mas'uul daacad ah.
"Wasiirku wuxuu ahaa daacad, wuxuuna dadaal ugu jiray sidii nabadda Soomaaliya ay u soo laaban lahayd, waana mas'uul weyn oo aan waynay. Si dhow ayaan iskula shaqeynayay tan iyo markii la magacaabay, wuxuuna ahaa mas'uul inta badan ka fikiraya nabadda dalka," ayuu yiri taliyaha AMISOM.
Jen. Mugisha wuxuu sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan AMISOM uu tacsi u dirayo madaxweynaha Soomaaliya, DKMG ah, shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskiisa, isagoo sheegay in dilkiisa uu yahay mid leh murugo iyo xanuun.
C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa Muqdisho ugu dhintay dhaawacyo culus oo kasoo gaaray qarax lagula eegtay gurigiisa maqribnimadii shalay oo Jimco ahayd.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya