Kooxda Kormeerka Qarammada Midoobay oo ka laabtay eedayn ay horay ugu jeediyeen Hay’adda SAACID iyo shirkado kale

Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Kooxda kormeerka Qarammada Midoobay ee loo yaqaan ( UN Monitoring Group) ayaa ka laabtay eedeyn ay u jeediyeen hay’adda SAACID iyo shirkado kale oo ku saabsanayd in gargaarka bani’aadamnimo ee Qarammada Midoobay la lunsado, taasoo sababtay in barnaamijka cunnada adduunka ee Qarammada Midoobay WFP uu cadaadis siyaasadeed uga yimaado dowladda Mareykanka.

Cadaadiskaas oo keenay inuu si xoog leh hoos ugu dhaco gargaarka samofalka ahaa ee la gaarsiin jiray Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koonfureed ee dalka oo ay abaaro ka taagan yihiin.

Xayiraadda gargaarka samo-falka dalka Soomaaliya oo warbixinta UN Monitoring Group ay gundhigga u ahayd waxay sababtay maanta inay la il-daran yihiin kumannaan kun oo Soomaaliyeed macluul iyo gaajo.

Muddo kaddib, waxaa haatan soo if-baxay inay UN Monitoring Group ay dib uga noqdaan eedayntii ay u soo jeediyeen hay’adda samofalka SAACID iyo shaqsiyaad ganacsato Soomaaliyeed ah sida Maxamed Daylaaf , taasoo aan la ogeyn waxay ka bedeli karto dhibaatada samo-fal ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay UN Monitoring Group ayay ku sheegtay inaysan caddeyn ku filan u helin eedeynaha loosoo jeediyay hay’adda SAACID iyo shaqsiyaadka kale, kaddib baaritaan dheer oo ay sameeyeen.

Dalka Soomaaliya maanta waxaa ka taagan dhibaatooyin ka dhashay abaaraha iyo macluusha ku dhufatay dalka, gaar ahaan gobollada Koonfureed, kuwaasoo Qaarammada Midoobay ay sheegtay in laba gobol oo ka mid ah ay ka jirto macluul.

Kumannaan qof oo ka mid ah dadkii kasoo barkacay abaarahaas ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo u baahan gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah, iyadoo hay’adaha samafalka ay xaqiijinayaan in 6-daqiiqo oo kasta uu cunug Soomaailyeed uu u dhinto macluusha taagan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya