Arday Soomaaliyeed oo xifdinta Qur'aanka ku dhameeyay Dugsi ku yaalla Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Xaflad lagu maamuusayay arday Soomaaliyeed ah oo ku dhameystay xifdinta Qur'aanka Kariimka dugsi ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa habeen hore lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Ardayda xifdinta dhameystay oo gaarayay 40-ruux ayaa isugu jiray wiilal iyo gabadho, waxaana intii ay xafladdu socotay la guddonsiiyay shahaadooyin caddeynaya inay dhameysteen xifdinta Qur'aanka Kariimka.

Dugsiga ay ardaydan ku barteen xifdinta Qur'aanka ayaaa lagu magacaabaa Al-Khadiija, kaasoo culeyska saara sidii ay ardaydu u baran lahaayeen laba qodob oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah: Higaadda iyo Xifdinka, waxaana ay ardaydii dhameystay xifdinta Quraa'nka ka akhriyeen xafladda suurado ka mid ah Qu'raanka.

Xafladan ayaa lagu qabatay jaamacad ku taala magaalada Saint-Paul oo ka tirsan gobolka Minnesota, iyadoo mas'uuliyiinta jaamacaddasa ay ardayda ku baraarujiyeen inay ka mid noqdaan kuwo uga faa'iideeya cilmiga ay barteen walaalahooda kale.

Jaamacadda xafladda lagu qabtay ayaa waxaa lagu bartaa cilmiga gar-yaqaannimada ama Qareennimada, waxaana dhigta arday badan oo Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay macallimiintii ardayda wax-baray, waalidkii ardayda iyo maamulayaasha iskuulka Al-Khadiija. Waalidiinta ayaa aad ugu farxay inay maanta arkaan caruurtooda oo xifdiyay Qur'aanka Kariimka. Sidoo kale, macallimiintu waxay ku booriyeen waalidka inay ka farxiyaan caruurtooda maadaama ay ku guuleysteen xifdinta Qu'raan ka Kariimka.

Gobolka Minnasota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee daggan Mareykanka, waxaana ka furay dugsiyo badan oo lagu barto Qu'raanka iyo cilmiga maadiga ah.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya