Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday isbitaalka AMISOM ee ku yaalla xareada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku jiraan ciidamada dowladda ee dhaawaca ah, isagoo askarta mid-mid u salaamay.
Booqashadan ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay ra'iisul wasaare k xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga, taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya, taliye ku xigeenka ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM iyo xubno kale, isagoo kusoo wareegay qaybaha kala duwan ee isbitaalkaas uu ka kooban yahay, isagoo warbixin ka dhageysatay saraakiisha AMISOM.
Askarta dhaawaca ah ayaa wuxuu madaxweynuhu weydiiyay xaaladooda caafimaad isagoo u rajeeyay caafimaad, wuxuuna intaas kaddib guddoonsiiyay lacag ay DKMG ah ugu deeqday askarta dhaawacyada qaba ee ku jira isbitaalkaas, taasoo ahayd 110-milyan oo Shillin Soomaali ah.
Madaxeynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Xalane ayaa sheegay in booqashadiisu ay tahay inuu arko xaaladda bukaannada ku jira isbitaalka, isagoo xusay in inta badan dhaawacyadu ay yihiin kuwo wanaagsan.
Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in dagaallada ay khasaarooyin badan geysteen, balse uu noqday mid aan laga fursan karin, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay ka dagaalamaan Xarrakada Al-shabaab.
"Ciidamada AMISOM iyo DKMG ah waxaa saaran waajib ah inay soo celiyaan ammaanka guud ee dalka, si dadka dhibaateysa gargaarka loo gaarsiiiyo, waayo ma jirto meel aan ahayn Muqdisho oo ay soo aadi karaan," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Dhawaan ayay ahayd markii ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu booqday askarta ku jira isbitaalka Xalane ee ay maamusho AMISOM, iyadoo qaar ka mid ah askaritii ku dhaawacmay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho la gaarsiiyay isbitaalka AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya