Al-shabaab oo shacabka Jubbooyinka ugu baaqday inay ka faa’iideystaan dhulbeereedyo ay diyaariyeen

Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Maamulka Xarakada Alshabaab ee jubooyinka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in ay ka faa’iideystaan dhulbeereedyo uu maamulku sheegay in ay diyaariyeen kuwaa oo u baahan in la tabcado.

Gudoomiyaha Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka sheikh Abuukar Cali Aadan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaariyeen dhulbeereedyo aad u ballaaran oo xirnaa tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaana uu xusay in dhul beereedyada ay diyaariyeen ay yihiin kuwo wax soo saar leh islamarkaasina u baahan in laga faa’iideysto.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee awoodi kara in ay beertaan dhulkaasi in ay ka faa’iideystaan isagoo sheegay in ay ku wareejin doonaan dhulalka ay diyaariyeen qof walba oo soomaaliyeed oo awoodi kara in uu wax kasoo saarto.

Sidoo kale Maamulka ayaa sheegay in ay dib u habeyn ku sameeyeen canal biyo mareen oo lagu magacaabi jiray Far waamo oo biyaha webiga Geyn jiray Dhasheega kaa oo xirnaa tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaana uu maamulku sheegay in hada wixii ka danbeeyo ay ka faa’iideysan doonaan dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan gobollada Dalka Soomaaliya.

Baaqan kasoo baxay maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli ay inta badan gobollada dalka Soomaaliya ka jirto abaar aad u daran taa oo saameysay dadka iyo duunyada, iyadoonaa kumanaan soomaali qaxooti ah ay maalin walba ka gudbaan xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto wadamada Kenya iyo Itoobiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya