Dagaal u dhexeeya DKMG ah, Ahlusunna, AMISOM iyo Xarrakada Al-shabaab oo ka socda Muqdisho

Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Dagaal culus oo u dhexeeya ciidmada DKMG ah oo kaashaaya AMISOM iyo Ahlusunna iyo xoogagga Xarrakada Al-Shabaab ayaa dib uga qarxay saakay oo Sabti ah magaalada Muqdisho, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen shan ruux, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Degmooyinka Wardhiigley iyo Howlwadaag oo uu dagaalku ka qarxay ayaa waxaa laga maqlayaa rasaasta fudud iyo madaafiic, iyadoo dagaalkan uu daba-socdo dagaal Khamiistii ka billowday Muqdisho.

Xaafadaha Cali-kamiin iyo Xamar-bile oo ka tirsan degmada Wardhiigley iyo Suuqa Bakaaraha oo ku yaalla degmada Howl-wadaag ayay dagaalladu xooggoodu ka socdaan.

Howlwadeennada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa laga soo xigtay in 11-qof oo dhaawacyo qaba dhammaantoodna shacab ah ay gaarsiiyeen isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Madaafiicda ay dhinacyadan is-weydaarsanayaan ayaa ku dhacaya xaafado ka fog kuwa lagu dagaalamayo, iyadoo dowladda KMG ah ay u muuqato mid isku ballaarinaysa Muqdisho oo ay qaybo

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo qaaday weerarrada ay dagaalladan socda ka billowdeen, iyadoo saraakiisha DKMG ah ay sheegeen in dagaalku uu soconayo inta ay ka qabsanayaan Muqdisho oo dhan, balse saraakiil iyaguna u hadlay Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaci doonaa weerar walba oo kaga yimaada dhinaca dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya