Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta magacaabay hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka, iyadoo hay'addan sheegay inay wax ka qabanayso qulqulka barakacyaasha ka imaanaya gobollada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in hay'addan sameynteeda ay ku timid talo-soo-jeedin ka timid guddigii abaaraha Qaranka ee heer wasiirka ahaa iyo qiimeyn uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sameeyay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu go'aamiyay howlgelin ha'yaddan uu u magacaabay shaqsiyaad sumcad ku leh bulshada dhexdeeda, sidoo kalena leh karti, aqoon iyo waayo-aragnimo ay ku fulin karaan howsha loo magacaabay.
Xubnaha loo magacaabay ha'yaddan ayaa waxay kala yihiin:
1. C/llaahi Maxamed Shirwac - Madaxa Hay'adda
2. Jamaal Maxamed Barrow - Ku-xigeenka Barnaamijyada
3. C/xakiin Axmed Guuleed - Ku xigeenka Maamulka
4. Cali C/raxmaan Axmed - Madaxa Saadka
Hay'addan ayaa la sheegay inay tahay mid madax-bannaan oo loogu talogalay inay maareyso musiibooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, qulqulka barakacayaasha iyo musiibooyinka kale.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas ayaa guddiga uu hay'adda maareynta musiibooyinka kula dardaarmay inay si wanaagsan howlahooda u gutaan, isgaoo u rajeeyay howl gudasho wacan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya