Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 16-caruur ah ayaa ugu dhintay cudurro iyo gaajo ka dhashay abaarta ku dhuftay dalka Soomaaliya, waxaana tiro kale oo caruur ah ay la il-daran yihiin cudurro halis ah oo macluusha iyo nafaqo-darrada ka dhashay.
Ilo wareedyo caafimaad ayaa xaqiijiyay maanta oo Sabti ah in 16-ka cunug ay ku dhinteen degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, iyadoo gobolkan uu ka mid yahay labada gobol ee Qarammada Midoobay ay sheegtay inay ka jiraan macluusha.
Kaamam ku yaalla Muqdisho, Shabellada hoose iyo Bay ayaa waxaa ku jira kumannaan qof oo deegaannadooda uga soo cararay abaaraha ku dhuftay, iyadoo kaamamkaas ay kala maamulaan DKMG ah iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii 10-caruur ah la xaqiijiyay inay gaajo iyo cudurro ugu geeriyoodeen kaamam ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin in ka badan 100,000-qof oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha.
Hay'adaha Qarammada Midoobay iyo dalal ay ka mid tahay Kuwait ayaa gargaar ku geeyay Muqdisho illaa toddoba diyaaradood si loogu quudiyo barakacayaasha ku jira kaamamka ku yaalla caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan caruurta ay nafaqo-darridu hayso.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay si dhaqso ah ku billaabi doonaan qaybinta gargaarka loogu talogalay barakacayaasha ku sugan Muqdisho, iyagoo sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u daran.
Dhimashada caruurtan ayaa imaanaysa iyadoo shalay oo Jimco ahayd ay UNICEF oo ah hay'adda caruurta ee Qarammada Midoobay ay sheegtay in 1.25-milyan caruur Soomaaliyeed ah ay khatar ku hayaan abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya