
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Inta la hubo 11-ruux ayaa ku dhintay dagaallo culus oo maanta ku dhexmaray degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-wadaag ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya Ahlusuna iyo AMISOM iyo xoogagga Xarrakada Al-Shabaab, waxaana ku dhaawacmay 25-qof oo kale.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay u badan yihiin dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegatay dagaalkii maanta dhacay ayna ku qabsadeen dhul hore, balse dhanka Xarrakada Al-shabaab kama soo bixin wax hadal ah.
Xaafadaha lagu dagaalamay ayaa dadkii ku noolaa waxaa u suurogashay shalay oo Jimco ahayd inay ka barakacaan guryahooda, kaddib markii lagu dul-dagaalamay Khamiistii lasoo dhaafay, dagaalkaasoo ay dowladdu horumar ka sameysay.
Dagaalka ayaa haatan joogsaday, waxaana dhinacyadii dagaalamayay ay isku hor-fadhiyaan goobtii ay maanta ku dagaalameen, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu xajisto dhulka uu gacanta ku hayo.
Dhanka kale, maxkamadda ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka furatay maxkamado goobaha ay dagaalladu ka socdaan sida uu saxaafadda ugu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo shir jaraa'id ku qabtay furumaha dagaalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in askartii fal dhac ah geysta ama askarigii kasoo baxa aagagga dagaalka amar la'aan lagu toogan doono maxkamadaha la furay hortooda, isagoo sheegay inay uga digayaan shacabka inay faafiyaan warar ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya