Xafladda xaruntan cusub lagu furayay ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay wakiilka xisbiga Hiil-Qaran ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xarunta cusub ay tahay xarun u furan qof kasta oo Soomaaliyeed aya qaban-doonto arrima fara badan oo ugu horreyso sidii Soomaaliya u heli lahayd nabad, dib u heshiisiin dhab iyo dowlada cadaalad ah.
Shariif Xuseen Roobow oo ah wakiilka xisbiga ayaa sheegay in xisbitan looga dhawaaqay dalka dibaddiisa xafladdan ay tahay mid lagu furayo xarunta xisbiga uu Muqdisho ku yeelanayo.
"Xisbiyadii hore waxay ku dhisnaayeen qaab qabiil, taasaana ugu wacnayd inaysan meel gaarin, balse xisbigan waa ka duwan yahay xisbiyadii hore, waayo waxaa xubnihiisa ku weyn Soomaalinimada iyo Islaannimada," ayuu yiri Shariif Roobow.
Wakiilku wuxuu intaas ku daray: "Xisbigeenna waa xibsi aan awood wax ku dooneyn, markii la aasaasayay ayaa si weyn looga baaran degey, fikirka uu ku dhisan yahayna waa inay Soomaaliya dowlad caadil ah hesho, taasoo u horseedda dalka iyo dadka nabad iyo horumar."
Xubnihii kale ee ka hadlay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa Saciid Maxamed Ducaale oo ku hadlay magaca odayaasha xisbiga Hiil-Qaran, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in xisbiga uu xarun ka furto Muqdisho, isagoo u soo jeediyey mas'uuliyiinta xisbiga inay xarumo kale ka furtaan guud ahaan dalka maadaama ay xisbiga ka mid yihiin rag firficooin oo ay ka go’an tahay samata-bixinta ummadda Soomaaliyeed.
Intii xafladdu ay socotay ayaa waxaa khadka taleefoonka kaga qayb-galay xoghayaha guud ee xisbiga Axmed Ismaaciil Samatar oo ku sugnaa Koonfur Afrika, isagoo u mahadceliyay intii isku soo dubo-ridday furitaanka xarunta xisbiga ee Muqdisho, isagoo sheegay in xibiga uu ku talo-jiro inuu xarumo ka furto guud ahaan dalka isagoo u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed inay u sara kacaan sidii ay shacabku dowlad u soo dooran lahaayeen.
Ugu dambeyn, munaasabaddii lagu furayay xarunta waxaa ka hadlay Cabdi Wabar oo sheegay in xisbiga uga fadhiyaan sidii dalka Soomaaliya nabad ugu soo dabbaali lahaayeen, wuxuu kaloo u soo jeediyay xisbiga inay gaarsiiyaan meel kasta oo ay Soomaali joogto.
Xafladda ayaa waxaa gabay kusoo xiray abwaan Axmed Max'ed Max'ud kaas oo si weyn ay ugu riyaaqeen dadkii lagu marti-qaaday xaflada, waxaana ugu dambey xarunta xisbiga xarigga ka jaray wakiilka Muqdisho ee xisbiga Shariif Xuseen Roobow.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya