Xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo Muqdisho ku yeeshay kulan looga dooday sharciga Bankiga dhexe

Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay Muqdisho kulan ay uga doodeen sharciga bandhiga dhexe, iyadoo ay kulankaas goobjoog ka ahaayeen 325-xildhibaan oo ka mid ah 550-mudane ee uu baarlamanku ka kooban yahay.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayay xildhibaannadu kasoo jeediyeen doodo adag, iyadoo qaarkood sheegay in sharcigan aan la ansixin karin maadama madaxda dowladda KMG ay jeebabka ku shubtaan dhaqaalaha dalka soo gala.

Mudanayaashii kulanka ka qaybgalay qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay markii uu shirku soo xirmay in la isku raacay in kulanka soo socda lagu ansixiyo sharciga bankiga dhexe.

Lama sheegin kulanka labaad xilliga uu dhici doono, waxaana dooddu ay maanta ahayd mid aad u adag, iyadoo xildhibaanaduna ay u muuqdeen kuwo fikradahoodu iska soo horjeedaan.

Sharciga maanta laga dooday ayaa baarlamaanka loo qaybiyay Khamiistii lasoo dhaafay, maalintaasoo la dhaariyay 24-xildhibaan oo cusub, waxaana kulankan uu noqonayaa kii afaraad oo bishan uu yeesho baarlamaanka.

Ugu dambeyn kulanka waxaa xiray guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan isagoo uga mahadceliyay xildhibaannada doodda ay ka yeesheen sharciga bankiga dhexe oo noqonaya ajandihii labaad oo ay xildhibaannadu ka doodaan bishan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya