
Khamiis, July 28, 2011(HOL) Nairobi,Kenya- Safiirka dowlada federalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur America ayaa booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadaab, Hagardheer iyo Ifo si u usoo indha indheeyo xaaladda dadka tiradda badan ee halkaasi kusoo qaxaya.
Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika waxa uu la kulmey madaxda hay’adaha gargaarka iyo horkacayaasha xeryaha oo uga warbixiyey xaaladda dadka tirada badan ee xeryaha Dhadhaab ku jira isagoona kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadkaas dhibateysan.
Faduma Cali oo ah ayeeyo jirta 75 sanno ayaa Safirka u shegtay in ay soo lugaynaysay 16 maalmood oo ay la socdeen laba gabdhood oo ay ayeeyo u tahay, waxay sheegtay in iyada iyo labada gabdhoodba lagu kufsaday waddada, dhacdadaas oo ah mid naxdin leh.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya waxa uu si gaar ah wada hadalo u la qaatey madaxda hay’adda UNHCR oo kala hadlay sidii dadka soo barakacayo loo siin lahaa aqoonsiga qaxootiga, loona siin lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin sida Hooy iyo cunto.
Safiirka wuxuu kaloo ka codsaday Qaramada Midoobay iyo waddamada deeqaha bixiya inay gargaarka bani’aadannimo gaarsiiyaan dadka Somaliyeed ee dhibaataysan ee jooga wadanka Soomaaliya gudihiisa, taas oo keenaysa in dadka aysan soo aadin xeryaha qaxootiga oo ay guryahooda joogaan.
Mar uu Safiirka lahadlayay qaar kamid ah odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada ku nool xerada Xagardheer ayuu ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay xilka isaga saareen walaalahooda dhibaataysan, iyagoo raashinka la siiyo qayb ugu deeqay dadka ay abaaruhu aafeyeen.
Safirka wuxuu kaloo u mahadceliyay culumaa'udinka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada degan Kenya gaar ahaan Nairobii iyo Mombasa oo maalmihii u dambeeyay is abbabulayay is wacgelinayay lacag fara badana iska aruuriyay .
Sidoo kale odayasha, haweenka iyo dhalinyarada ku nool xerada Xagardheer ayaa Safiirka ugu mahadceliyay sida uu mar walba ugu doodo qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab .
Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga walwalsan dadka faraha badan ee soo galaya xeryaha qaxootiga ee wadamada Soomaaliya dariska la ah gaar ahaan wadanka Kenya oo xeryaha Dhadaab ay buux dhaafiyeen dadka kasoo cararaya abaarta iyo colaadda.







Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya