
Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyada dowladda KMG ah ee Soomaaliya maanta oo Khamiis ah ayaa lagu dhaariyay wasiirrada xukuumadda KMG ah ee intooda dalka ku sugan, iyadoo dhaarintaas ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha iyo guddomiyaha baarlamaanka.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno iyo wasiirradii xukuumaddii Maxamed C/llaahi Farmaajo. Iyadoo inta badan wasirrada xukuumadda cusub ay dalka ka maqan yihiin.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xafladda dhaarinta ah ayaa sheegay in xukuumaddiisa uu kusoo xulay aqoon iyo howl-karnimo, isagoo xusay in golaha wasiirada ay howshooda maanta bilaabayso loogana baahan yahay inay wax ka qabtaan xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa ka codsaday wasiirada cusub inay la yimaadaan howl-karinimo, isagoo sheegay in sababihii codka loo siiyay ay ahayd inay wax ka qabtaan xalaadda dalku ku sugan yahay, wuxuuna uga digay musuqmaasuq.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya oo xukuumadda cusub la hadlay ayaa ku boorriyay inay la yimaadaan waxqabad, muddada halka sano ah ee ay shaqeynayaanna looga baahan yahay inay wax weyn ku qabtaan isla markaana ay xalaadda dalka wax ka bedelaan.
Xildhibaanno iyo wasiirradii hore ee xafladda kasoo qaybgalay ayaa ka jeediyay khudbado u badan dardaaran, waxaana xafladdan lagu soo beegay iyadoo ay dagaallo culus ka socdaan Muqdisho.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya