Dagaal ka billowday agagaarka Suuqa Bakaaraha iyo saraakiisha DKMG ah oo sheegtay inay gudaha u galeen suuqa

Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Dagaallada ku dhexmaraya Muqdisho ciidamada DKMG ah oo garabsanaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa ka qarxay jidka wadnaha oo kaabiga ku haya suuqa Bakaaraha iyadoo saraakiil u hadlay dowladda KMG ah ay sheegeen inay gudaha u galeen qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.

G/sare C/llaahi Cali Caanood oo ah taliyaha ciidamada madaxtooyada ee DKMG ah ayaa u sheegay idaacadda ku hadasha afka dowladda in ciidamada dowladdu ay gudaha u galeen qaybo ka tirsan suuqa bakaaraha, uuna dagaalku ka socdo gudaha suuqaas.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay HOL in dagaallo culus ay ka socdaan isgoysyada Bakaaraha, Holwadagaag iyo Aadan Cadde, halkaasoo ay labadii bilood ee ugu dambeeyya isku horfadhiyeen ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.

Taliyaha ciidamada madaxtooyada DKMG ah ayaa sheegay inay dagaallada saakay ku dileen 15-dagaal-yahan oo ka tirsan Xarrakada Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay dowladdu qaadday uu ka duwan yahay qaababkii hore ee uu ku socon jiray.

Sidoo kale, G/sare Caanood wuxuu sheegay in ciidamada dowladdu ay qabsadeen goobo ay ka mid yihiin qubuurihii Janeral Daa'uud iyo isgoyskii Cali Kamiin ayna ku sii socdaan Isbartiibada weyn ee Muqdisho.

Xarrakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka saakay Muqdisho ka qarxay, iyadoo dagaalkan uu imaanayo kaddib todobaadyo daganaasho ay ka jirtay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya