Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Ciidamada AMISOM oo dowladda Soomaaliya gacan ku siiya dagaalka ay kula jiraan xoogagga Xarrakada Al-shabaab, ayaa saakay duqeyn ku dilay ugu yaraan 15-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ku sugnaa agagaarka isgoyska Siinaay.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay si khalad ah duqeyn ugu geysteen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada DKMG ah, kuwaasoo la sheegay inay ka baxeen xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Askarta dhintay ayaa la sheegay inay madaafiicdu dileen, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo AMISOM ay horay duqeymo noocan oo kale ah ugu dishay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Madaxda DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaan ka hadlin duqeynta lagu dilay askarta, iyadoo dagaalka uu weli socda, waxaana maydadka askartaas goobta ka qaaday gaadiidka gumadka deg-degga ah ee dowladda KMG ah.
Ciidamada AMISOM ayaa dgaallada socda uga qaybqaadanaya duqeyn iyo si toos ah, iyadoo la sheegay in ciidamada AMISOM ay ka dambeeyaan kuwa dowladda ayna dagayaan goobaha lagu siqayo qaarkood.
Dagaallada saakay ka socda Muqdisho ayaa si tartiib-tartiib ah ugu sii baahaya degmooyin ka tirsan Muqdisho oo ay horay isugu horfadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya