Qaar ka mid ah xildhibaanada dawladda Kenya oo taageeray Azaaniya , kana qaybgalay shirka ka soconaya Limuru (SAWIRRO)


Safiya Cabdi (Midig), Prof. Maxamed Cadi Gaandi (dhexda midig) ,Aadan Barre Ducaale (dhexda bidix)  iyo C/raxmaan Cali Xassan Colow (bidix) Thursday, July 28, 2011, Limuru, Kenya - Photo: Ahmed Abdisamad (HOL)



Khamiis, July 28, 2011(HOL) Nairobi, Kenya- Iyadoo wali  uu ka soconayo magaalada Limuru oo 30km u jirta Nairobi , shirweynaha lagu dhisayo maamul goboleedka Azaaniya  ayaa waxaa qaar kamid ah xildhibaanada dawladda Kenya ay taageero u muujiyeen dhistitaanka maamulkaas.

Xildhibaan Safiyo cabdi Toorreey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee Kenya oo khudbad ka jeedisay goobta uu shirku ka socdo , ayaa ugu baaqday Soomaalida inay samaystaan maamul goboleedyo dalka xasiliya, si loo helo dawlad dhexe oo federaal ah.


Xildhibaan Safiya Cabdi Toorreey

“Waxaa wanaagsan inaad dalkiinna u naxdaan, oo aad samaysataan maamul goboleedyo, markaasna aad isugu timaaddaan dawlad federal ah”. Ayay tiri Safiyo.

Haweenaydaan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu codka dheer ee dalka Kenya ayaa ka dalbatay maamulka Azaaniya inay wax walba ka hormariyaan dhisitaanka nidaam garsoor oo caddaalad ku qotoma.

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha ee Kenya, isla markaana ah xildhibaanka deegaanka Dhuujis ee gobolka waqooyi bari Aadan Barre Ducaale oo ku hadlay magaca dawladda Kenya ayaa caddeeyay sida ay Kenya u doonayso hirgalinta maamulka Azaaniya oo uu sheegay inay tahay waddada kaliya ee xasillooni loogu heli karo deegaanadda xadka la leh Soomaaliya ee dalka Kenya.

“Waxaan annagu doonaynaa in maamul ay hesho Soomaaliya gaar ahaanna deegaannada aan dariska nahay , balse hawsha waxay u taallaa masuuliyiinta Azaaniya inay iyagu maamulkooda dhistaan, annaguna waan taageeraynaa”. Ayuu yiri Aadan.


Wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha ee Kenya Aadan Barre Ducaale
Dhanka kale waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay goobta uu shirku ka soconayo ee Limuru xildhibaan Hilowle Aadan Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ka jawaabay eedaymo ay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee Soomaaliya u soo jeediyeen maamulka Azaaniya , isagoo tilmaamay in eedaymahaasi ay yihiin kuwo macno darro ah.

“Waxaan kamid ahay xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Gedo , waxaanan u arkaa in maslaxadda dadka deegaankaas ay ku jirto inay ka mid noqdaan maamulka Azaaniya”. Ayuu yiri xildhibaan Hilowle.

Sidoo kalana qaar ka mid ah odayaasha gobolka Gedo oo limuru saxaafadda kula hadlay ayaa taageeray maamulkaas.


Xildhibaan Hilowle Aadan Maxamuud

Maxamed Faarax Jireey  oo ku hadlay magaca odayaasha gobolka Gedo ayaa tilmaamay in dadka deegaankaas ay  taageersanyihiin maamulka Azaaniya, isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan dhistitaankiisa.

" Dhamaan dadka deegaanka waxay uu heellanyihiin inay helaan maamul ka caawiya xasiloonada iyo soo celinta nidaamka". Ayuu yiri Jiireey.

Taageerada loo fidiyay maamulka Azaaniya ayaa imaanaysaa xilli qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Gedo ay kasoo horjeestaan maamulkan, oo ay ku tilmaameen inuu markale dib u soo noolaynayo colaad ka dillaacda deegaanadaas.


Qaar kamid ah Odayaasha gobolka Gedo

 

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya