Xildhibaanno maanta lagu dhaariyay kulankii baaramaanka KMG ah uu ku yeeshay xaruntiisa Muqdisho

Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Kulan ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen maanta oo Khamiis ah xaruntooda Muqdisho ayaa lagu dhaariyay 24-mudane oo ka mid noqonaya xildhibaannada baarlamaanka.

Mudanayaashan ayaa waxay bedelayaan mudanayaal horay uga tanaasulay xilalkooda waxaana xildhibaannadan cusub dhaariyay xildhibaan Sheekh Axmed Gurille.

Xildhibaannadan ayaa waxay ku dhaarteen inay ku shaqeyn doonaan sida uu qabo sharciga dalka ayna dantooda ka hormarin doonaan danta gud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaarinta kaddib ayaa waxaa xidhibaannada oo ay ka mid yihiin xubnaha la dhaariyay loo qaybiyo shuruucda bankiga dhexe, iyadoo ugu dambeyn uu kulanka soo xiray guddoomiyaha baarlamaanka.

"Mudanayaashan maanta la dhaariyay waxaan kula talinayaa inay xilalka loo dhaariyay u gutaan si daacad ah, waxaana Alle uga baryayaa inuu la garab-galo xilalkooda," ayuu yiri Shariif Xasan oo dhaarinta kaddib hadlay.

Afhayeenka baarlamaanku wuxuu ku boorriyay xildhibaannada golaha shacabka inay sii wadaan dhaqaalihii ay ku taageerayeen barakacayaasha kasoo cararay abaaraha ee ku sugan Muqdisho.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan wuxuu sheegay in kulanka uu xiran yahay uuna kulankan kan xiga dhici doono maalinta Sabtida ah ee soo socota, iyadoo lagu wado in laga doodo shuruucda bankiga dhexe ee maanta la qaybiyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya