Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM ayaa ka hadlay dagaalladii saakay aroortii hore ka billowday degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyagoo sheegay inay guulo ka gaareen dagaalladaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in saakay ay weerarro qaadeen iyagoo kaashanaya ciidamada DKMG ah, ayna guulo ka gaareen dagaallada oo ay ku qaadeen fariisimo ay Xarrakatul Shabaab kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho.
"Dagaalka saakay waxaan kula wareegnay goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isgoyska Florenza, kan Siinaay iyo kan Maanaboolyo oo waqooyiga Muqdisho ku yaalla," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. "Intii howlgalka uu socday 41-qof oo shacab ah oo ay Al-shabaab haysatay ayay u suuro-gashay inay baxsadaan."
Afhayeenka AMISOM Paddy Ankunda ayaa sheegay in howlgalku uu yahay mid lagu doonayo in dowladdu ay isku ballaariso Muqdisho oo dhan, sidoo kalena lagu xoojiyo ammaanka caasimadda. Isagoo sheegay in sidoo kale tani ay u fududeynayo hay'adaha gargaarku inay barakacayaasha ku dhibaateysan Muqdisho ay gargaarka gaarsiiyaan.
"AMISOM waxay si buuxda u fahamsan tahay in loo baahan yahay goobo ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan hay'adaha gargaarka. Si kasta oo ay tahay, innagu waxaan halkan u joognaa sidii aan u sugi lahayn ammaanka Muqdisho, isla markaanka aan burburinno caga-jugleynta ka imaanaysa Al-shabaab," ayuu yiri Akunda.
Xarrakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaallada ka socda Muqdisho oo haatan u muuqda kuwo qaboobaya, kuwaasoo saakay fariismo ay kaga sugan yihiin ciidamadooda lagu qaaday.
Weerarkan ay qaadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa imaanaya iyadoo ay maalmo yar ka harsan tahay bisha Ramadaan oo inta badan ay Xarrakada Al-shabaab weerarro ku qaaddo saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya