Dab khasaare xooggan geystay oo ka dhacay Suuq Bacaad oo ay saakay ay dagaallo ka dhaceen

Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Dab khasaare maaliyadeed geystay ayaa maanta ka kacay suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee Muqdisho oo ay ciidamada dowladda KMG ah saakay kula wareegeen dagaal ka dhacay Muqdisho, iyadoo goobo ganacsi oo fara badan ay gubteen.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay madaafiic ku dhacday suuqaas intii uu dagaalku socday, waxaana saraakiil ka tirsan DKMG ah ay u sheegeen warbaahinta in tabakaayooyin ku yaalla bartamaha suuqaas uu dabku baabi'iyay.

Suuq Bacaad ayaa shaqeynayay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo saakay ay ciidamadu dowladdu si lama filaan ah kula wareegeen, iyadoo dabku uu yahay mid weli soconaya.

Ciidamada DKMG ah ah qaarkood ayaa la sheegay inay suuqaad dhac ka geysteen, inkastoo ay ka hortageen saraakiisha hoggaaminayay ciidanka, lamana yaqaan tallaabada laga qaaday ciidankii farateysiga sameeyay.

Gudaha Suuq Bacaad ayaa lagu arkayaa ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ku dhex sugan, iyadoo gubashadan ay timid xilli uu ganacsiga suuqaas oo dhan maanta ahaa mid albaabbadu u xiran yihiin.

Waa markii saddexaad oo goobo ganacsi oo ku yaalla suuqyada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ay gubtaan, iyadoo dabkan uu dhaliyay khasaare maaliyadeed oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya