Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Waaliga gobolka Galguduud ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa beeniyay in lagu dilay weerar gaadmo ah oo shalay ka dhacay gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, sida uu warbahainga qaar u sheegay afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan Al-Qaaddi.
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-tukade) oo warbaahinta ku hadasha afka Xarrakada Al-shabaab wareysi gaar ah siiyay isagoo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in wararka sheegaya in la dilay aysan waxba ka jirin.
"Qofna kuma dili kartid nacayb aad u qabto. Way wanaagsanaan lahayd inaan shahiido, balse weli waa noolahay mana jiro qarax lala beegsaday gaarigeyga," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu jiro qarax ka dhacay deegaan ku dhow War-xoolo, balse ay miinadaas la qarxday gaari ay dad shacab ah wateen, isagoo intaas ku daray inuu isagu weli nool yahay.
Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan Al-Qaaddi ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho shalay gallinkii dambe inay weerarro gaadmo ah oo ay fuliyeen xoogaggooda ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray guddoomiyaha Xarrakatul Shabaab ee gobolka Galguduud iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta la shaqeeya.
Marka laga reebo beeninta uu beeniyay wakiilka Al-shabaab ee gobolka Galguduud in lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolkaas, haddana ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya dhimashada saraakiisha kale ee ay Ahlusunna sheegtay inay dishay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya