Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinaca iyo xoogaga Xarrakatul Shabaab ayaa saakay ka billowday magaalada Muqdisho, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaallada ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jira, iyadoo tiro ka badan 11-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaallada oo ahaa mid ka dhashay weerarro ay qaadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxay ka qarxeen saakay aroortii hore xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, inkastoo dagaalka xooggiisa uu haatan ka socdo degmada Wardhiigley.
Taliyaha ciidamada madaxtooyada DKMG ah G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, isagoo sheegay in ciidamada dowladdu ay horay ugu siqeen goobo ay ku sugnaayeen xoogagga Xarraktaul Shabaab.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan dagaalka, waxaase idaacadda afkooda ku hadasha ay sheegtay inay xoogaggoodu iska caabiyeen weerarro kaga yimid dhinaca dowladda Soomaaliya.
Xaafadaha ay dagaalladu ka socdaan ayaa waxay ahaayeen kuwo ay horay uga guureen shacabkii ku noolaa, kaddib dagaallo ka socday labadii sano ee ugu dambeeyay.
Wararka dagaalka kala soco HOL haddii Alle Idmo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya