Talaado, April 05, 2011(HOL): Ciidamada amaanka maamulka islaamiga ah ee degmada Kismaayo ayaa howgallo ay sameeyeen 24-kii saac ee ugu danbeeyay waxa ay kusoo qabqabteen dad iyagu ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.
Taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Sheekh Abuusacad oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howgallo ay sameeyeen ciidamada amaanka xalay ilaa maanta ay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo isugu jiray rag lagu soo qabtay waxyaalaha maanka dooriya iyo dumar lasoo qabtay xilli ay xirnaayeen dharka jilicsan ee loo yaqaan baatiga oo uu maamulku hore uga mamnuucay in ay xirtaan Haweenka.
“Howgal balaaran ayay ciidamadu xalay iyo maanta sameeyeen, xabsiga ayaana la dhigay dhamaan eedeysaneyaashii ay ciidamadu soo qabteen, waxaana lamarsiin doonaa waxa ay ka qabto shareecada Islaamka,” ayuu Yiri Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta.
Sheekh abuusacad ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku ugaarsanayaan dadka iyagu isticmaala waxyaalaha maanka dooriya iyo weliba haweenka xirta dharka baatiga ah, waxaana uu ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay u hogaansamaan awaamiirta maamulka islaamiga ah ee degmada Kismaayo.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee ciidamada amaanka degmada Kismaayo howgallo ay sameeyeen ay kusoo qabqabtaan dad ku eedeysan in ay jabiyeen awaamiirta maamulka islaamiga ah ee degmada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya