Shaqaaqo waxyeello lagu gaarsiiyay xildhibaannada Galmudug oo ka dhacday Xarunta Baarlamaanka maamulkaas

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhacay shalay shaqaaqo daqiiqado socotay, taasoo u dhexeysay xildhibaanno iyo shaqsiyaad taageersan madaxweymaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

Shaqaaqadaan oo salka ku haysay is-afgaranwaa in muddo ah soo jiitamayay oo u dhexeysay guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo madaxweynaha lana xariirta arrimaha maamulka iyo sharuucda maamulka Galmudug.

Xiisadda ayaa bilaabatay kaddib markii ay xarunta baarlamaanka kusoo aruureen xubnaha baarlamaanka Galmudug, magaaladana la geliyay warar la xariira in xubnaha baarlamaanku ay doonayaan in ay codka kalsoonida kala laabtaan madaxweynaha Galmudug iyo golihiisa wasiirrada.

Shaqaaqadan oo la sheegay in waxyeello lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan golaha baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa markii dambe soo dhax-galay xarunta xubno ka kala socotay culummaa'uddiinka Ahlusunna, siyaasiyiinta Galmudug, aqoon-yahanno iyo mas'uuliyiin ka socday ururrada bulshada rayidka ah ee Galmudug.

Xubanaha ka kala socday qaybaha bulshada Galmudug ee tagay baarlamaanka ayaa waxay halkaas ka billaabeen wada-hadallo lagu damiyay khilaafka, iyadoo uu goob-joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Hayl, iyadoo la isku afgartay in arrinta khilaafka dhalisay meesha laga saaro, howlaha maamulka Galmudugna aysan saameyn kale ku yeelan.

Cilmi Kulan Geeddi
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya