Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo.

"Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay.

Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya