Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug Cumar Maxamuud Rooble oo shir jaraa'id ku qabtay Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulkooda uu ka qaybgalayo shirkaas, ayna ku faraxsan yihiin in lagu casuumo.
"Shirkaas waa nalagu casuumay waana ka qaybgalaynaa maadaama uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in shirkaas uu yahay midkii ugu horreeyay oo lagu casuumo maamulkooda.
Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamullada uu xiriirka wanaagsan kala dhexeeyo DKMG ah ayaan la ogeyn sababta ay u go'aasadeen inay ka qaybgalaan shirkaas, iyadoo dowladda KMG ah ay sheegtay inaysan shirkaas ka qaybgalayn.
Sidoo kale, maamulka Ahlusunna Waljmaaca oo isaguna uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo DKMG ah ayaa iyaguna sheegay inay ka qaybgalayaan shirkaas, iyagoo ku tilmaamay mid looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.
Ergayga Qarammada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa horay casuumaad ugu fidiyay dhammaan maamullada ka jira dalka si ay uga qaybgalaan shirkaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid wadatashi ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya