Qarax ka dhacay Hargeisa iyo Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay (SAWIRRO)


Talaado, 05 April, 2011 (HOL)-  Nin la sheegay in Xiskiisu dhiman yahay, ayaa saaka Bambo-gacmeed la beegsaday Suuq ay dadku ku badan yihiin oo ku yaala magaalada Hargeisa, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje).

 

Suuqa badhtamaha Hargeisa, gaar ahaan xerada lagu iibiyo dallagga dalka ee Hadhuudhka, Galleyda iyo raashinka kale ee dalka laga beero, ayuu ninkani la beegsaday Bambo kuwa gacanta laga tuuro ah.

 

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha uu ka dhashay Qaraxan, waxana uu  sheegay in ay dhaawacu marayo 11 qof.

 

Sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Gobolku sheegay in dadkaasi ku dhaawacmay dhacdani ay soo gaadheen dhaawacyo isugu jira kuwo culus siyo qaar fududba, isla markaana dhamaantood lagu daweynayo Xarunta Cisbitaaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. “Saaka ayaa Qarax uu ka dhacay Fooqa Geelle Arab ee agagaarka Xero-Hadhuudha ee Magaaalada Hargeysa, waxa Qaraxaasi qarxiyey Nin waalan,  dadka dhaawaca ah ilaa hadda waxa cusbatalka guud ee Hargeisa la keenay 11 qof, dhakhaatiirtuna si weyn ayey ugu hawlan tahay Gargaarka ay u fidinayaan dadkaasi,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waa Masiibo kolay nin Xis-kiisu dhiman yahay ayey ka qaraxday, dhaawaxyada Dadkaasina kuwo culus iyo qaar fuduba wey isugu jiraan, dadkaasi 11 ah ilaa 4 ayaa haweena wixii faahfaain ee intaas dheerna  baadhitaan ayaanu ku wadnaa.”

 


Xubno ka tirsan warbaahinta dalka oo  tagay  goobtii ay dhibaatadu ka dhacday si ay ugu heleen warar dheeraa ah oo qaraxaasi ku saabsan, ayaan loo ogolaan in ay galaan gudaha Cusbatalka, hase ahaatee, waxa halkaa warbaahinta kula hadlay qof ka mid ah dadkii goobjooga ahaa markii uu qaraxaasi dhacay, “Saaka ilaa abaaro 09:30 ayaa uu nin waalan oo sita miino, nooca loo yaqaan F1 oo meesha marayaa ayaa ay caruuri ka cadhaysiisay, dadbdeedna bahashii uu sitay ayaa uu meeshaa barxada  ah ee fooqaa hostiisa ku taal ku dhuftay, markii koowaad waxba may noqon, hadana uu ku celiyey markii labaad ayey qarax samaysay. Qaraxu mid weyn ma uu ahayn, laakiin waxa uu dhibta ku keenay, waxa uu lahaa Firidh balaadhan, dabadeena waxa halkaasi ku wax yeeloobay dadkii meesha marayey oo isugu jiray Rag iyo dumarba, sidoo kalena Kharaxaasi waxa uu khasaare gaadhsiiyey laba gaadhi oo meesha taagnaa iyo alabaaka hore ee fooqa uu qaraxu ka hor dhacay,”  ayuu yidhi.

 

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal halka uu ninkan Waalani ka keenay Bamba-gacmeedka, waxaanay wararku sheegayaan in marba-marka ka dambaysa ay isa soo tarayaan dadka ku dhaawacmay Qaraxan.



Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland