Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay la dagaalanka burcad-badeedda iyo shirka ka dhacaya Nairobi

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Faramaajo) ayaa sheegay in burcadbadeedda looga adkaan karo iyadoo la xasiliyo Soomaaliya, wuxuuna xusay inaan loo adkaan karin kumannaan markabkiibta dagaalka ah oo la dhoobo badaha Soomaaliya.

Mudane Farmaajo, ayaa hadalkan sheegay shir jaraa'id oo shalay gallinkii dambe uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidamada badda ku sugan aysan waxba ka qaban karin burcadbadeedda, xitaa haddii tiradooda intaas laga badiyo.

"Burcad-badeeddu waxay ku xooggan tahay barriga waxaana loo baahan yahay in la xoojiyo hay'adaha dowladda si loola dagaalamo, caalamkana waa inuu garab nagu siiyo sidii aan burcadda ula dagaalami lahayn," ayuu yiri mudane Farmaajo.

"Calaamku wuxuu u gurmayda Afgaanistaan, balse Soomaaliya sidaas oo kale uguma gurman, Soomaaliya iyo Afgaanistaanna waa isku cudur oo waxaa ka jira dowlado itaal daran," ayuu yiri Farmaajo oo sharraxayay sida caalamku uga gaabiyay in la xasiliyo Soomaaliya kaddib 20-sano oo ay ka jireen colaado iyo fowdo.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kooban uga hadlay shirka bishan lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay inaan qaban-qaabadiiisa lagala tashan xukuumadda KMG ah.

Mudane Famaajo ayaa sheegay inuusan reebbanayn wadatashi, balse aysan u arag shirka Nairobi inuu yahay mid aysan maslaxad ugu jirto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ay go'aan ku gaareen inaysan ka qaybgelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya