"Soddon shirkadood ayaa daggan Xalane, mana jirto cid lagala tashday mana howl-geliyaan shaqaale Soomaali ah, iyagoo oranaya ma shaqaaleysiin karno qof Soomaali ah sababo ammaan awgood," ayuu yiri Tarzan.
Duqa magaalada Muqdisho, wuxuu ugu baaqay shirkadaas inay is-diiwaangeliyaan oo ayna la socod siiyaan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir shaqalaaha ay qoranayaan inta Soomaali ka noqonaysa.
"Shirkadahaas haddii ay diideen inay diiwaan-geliyaan shaqaale Soomaali ah, innaga ayaa diidi karna taas, waxaana ku qasbaynaa inay shaqaale u qaataan dhallinta Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhanka kale taageeray go'aankii ku aaddanaa hay'adaha gargaarka ee fadhiggoodu yahay dalka Kenya, kaasoo ahaa inay u soo guuraan dalka, isagoo sheegay in go'aankaas uu yahay mid ay soo dhaweynayaan.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa shalay ugu baaqay hay'adaha gargaraka ee ku sugan Nairobi inay dib ugu soo laabtaan dalka, si ay markhaati uga noqdaan xaaladda dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya