Maamulka gobolka Bari oo ka warbixyay gurmad la gaarsiiyay dadka ay abaaruhu ku haystaan gobolkasa

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlayay shir uu  ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan abaaraha ka jira meelo ka mid ah gobolka oo aad u sii kordhaya.

"Abaaraha waxa ay curyaamin ku keeneen noloshii dadkii baadiyaha joogay iyo kuwa gudaha intaba "ayuu yiri gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.

Waxaa kaloo C/xaafid Cali Yuusuf uu ka digay masiibada arintan ka imaan karta ,isagoo bulshada ugu baaqay in ay badiyaan alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatada hada jirta. "Dadka waxaa laga doonayaa in ay ka toobad keenaan khalaadaadkii horay uga dhacay ,maadaama umadda abaar lagu saliday"ayuu yir gudoomiyaha isaga oo ku sugan Bosaaso.

Gudoomiyaha ayaa ka sheegay in degmooyinka Baagaal,Qandala,Iskushuban iyo Ufayn la gaarsiiyay raashin aad u badan si loo taageero dadka abaaraha ku cayroobay. "Raashinka waa mid dhowr qaybood isugu jira oo aan ku caawinayno dadka dhibaataysan "ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheeegay in si wanaagsan loo maamulay lacag dhawaan loo aruuray dadka abaaraysan ,taasi oo qaybo badan isugu jirtay si dadka loogu caawiyo. Maamulka gobolka Bari ayaa ku baaqay sidii gacan looga gaysan lahaa caawinta dadka dhibaataysan ,waxaana uu canbaareeyay ganacsato uu sheegay in aysan ka qayb galin gurmadka abaaraha Puntland.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya