Mudanayaashan kulanka ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay sheegeen inay weli aqoonsan yihiin guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka Xuseen Cabdi Cilmi oo kulanka goobjoog ka ahaa, kaasoo madaxweynuhu uu horay xilka uga qaaday.
"Dowladdu waxay doonaysaa inay dib u dhigto doorashooyinkii uu baarlamaanku horay ugu baaqay in la qabanayo inta ka horreysa bisha Ogoosto ee sannadkan," ayuu yiri xidhibaan C/shakuur C/raxmaan Warsame oo ka mid ahaa xubnihii kulanka ka qaybgalay.
Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa bishii hore go'aan ku gaaray in la qabto doorashada madaxweynaha inta aan la gaarin bisha Ogoosto oo xilliga xukuumadda uu ku eg-yahay, iyadoo xukuumadduna ay dhankeeda go'aansatay inay muddo sannad ah ku kororsato xilliga ay shaqeynayso, inkastoo aanu weli baarlamaanku aqbalin.
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay la yaaban yihiin magacaabidda guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf ayna u arkaan mid aan sharciga waafaqsanayn.
"Magacaabida Caydiid waa mid loogu talogalay in lagu burburiyo hay'adaha DKMG ah, balse innagu ma aqbalayno, waxaana aqoonsannahay guddoomiyihii hore," ayuu yiri Muuse Suudi.
Sidoo kale, Muuse Suudi ayaa xusay in odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye aysan matelin iyaga, isagoo sheegay in dhaqaale lagu adeegsado, looguna talogalay in looga hortago qaybo hay'adaha dowladda ka tirsan.
Nabaddoon Axmed Diiriye oo u hadlay golaha odayaasha Hawiye ayaa sheegay in aysan doonayn inay xildhibaan Muuse Suudi u jawaabaan, balse ay shacabka u deynayaan inay kala saaraan, maadaama ay la socdaan qof walba wuxuu qabtay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya