Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Murashax Madaxbannaan oo ku tartamaya doorashada Jabuuti

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay ka dhacdo doorashooyinka madaxnimo ee dalkaas, iyadoo markii saddexaad uu xilkaas u tartamayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Inkastoo kooxaha mucaaradka ah ay qaadaceen ka qaybgala doorashadan ayaa waxaa haddana madaxweyne Geelle doorashada kula tartamaya murashax madax-bannaan oo lagu magacaabo Maxamed Warsame Raage.

Labadan murashax ayaa waxay olalayaasha doorashooyinka oo socda ku sheegeen inay wax ka qaban doonaan dhaqaalaha dalka iyo horumarinta kaabayaasha bulshada sida biyaha iyo korontada oo dhibaatooyin lagu qabo.

Madaxweyne Geelle oo muddo 12-sano ah soo xukumayay dalka Jabuuti ayaa u sheegay taageerayaashiisa in haddii uu xilka ku guuleysto uu xoogga saari doono wax ka qabashada biyaha iyo korontada oo xilliyada kuleylaha ah ay dhibaatooyinka ku qabaan shacabka ku nool caasimadda dalkaas.

Dastuurka dalka Jabuuti oo horay u ogolaa in laba jeer uu xilka madaxnimo isku sharrixi karo madaxweynaha dalkaas, ayay xildhibaannada baarlamaanka bedeleen iyagoo muddada uu madaxweynuhu isi sharrixi karo ka dhigay mid aan xad lahayn.

Dalka Jabuuti oo xorriyadiisa ka qaatay dalka Faranasiiska sannadkii 1977-kii ayaa waxaa soo maray laba madaxweyne, waxaana Geelle uu xilka kala wareegay 1999-kii madaxweynihii hore ee dalkaas Al-Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon.

Doorashooyinka dalkaas ka dhacaya Jimcaha ayaa waxaa codadkooda ka dhiiban doona 150,000-qof oo si rasmi ah u diiwaangashan, iyadoo la filayo in Ismaaciil Cumar Geelle muddo shan sano ah oo kale uu ku guuleysto hoggaaminta dalka Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya