5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2010
Maamulka Degmada Laasqoray oo sheegay in ay dib u celiyeen Markab ay kooxo Burcad badeed ah soo afduubteen

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Maamulka degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay dib u celiyeen Markab dhawaan ay kooxo Burcad badeed ah ka soo afduubteen Gacanka Cadmeed ,kaasi oo laga lahaa dalka Liibiya.

Godoomiyaha Degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad oo qaar kamid ah warbaahinta Puntland khadka Teleefanka ugu waramay ayaa sheegay in arintan ay ku guulaysteen odayaasha degaanka oo arintaasi dadaal balaaran u galay.

Waxaa kaloo uu sheegay Yuusuf Jaamac godoomiyaha degmada Laasqorey in Burcad Badeedu ay markabkaasi la aadeen xeebta degmada Eyl oo afduub loogu haysto dhowr markab oo kale.

Markabka laga celiyay degmada laasqooray waxaa ka babanaya calanka Kuuriyada waqooyi,waxaana laga leeyahay dalka liibiya ,iyadoo la soo afduubtay xilli uu gooshayay gacanka Cadmeed.

Godoomiyaha degmada Laasqorey ayaa ka codsaday maaamulka Puntland in ay ka hortagaan dhibaatada Burcad Badeed ay ka gaysanyaaan meelo ka mid ah xeebaha ku teedsan Puntland ,isagoo ku baaqay in xoog lagu soo furtay maraakiibta lagu haysto xeebaha Garacad iyo Eyl.

Ugu danbayntii Maamulka degmada Laasqorey ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan Burcad Badeeda ,isla markaana aysan ogolaanayn in degaankood lagu haysto maraakib shisheeye oo la soo afaduubtay.

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya