Duqeymo iyo dagaallo xalay ku dhemxaray Waqooyiga Muqdisho ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha kasoo horjeeda

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Ugu yaraan 5-qof ayaa ku dhintay 10-kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymoy xalay ku dhexmaray degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ciidamada Dowladda iyo kuwa hubeysan ee kasoo horjeeda.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen dad shacab ah oo ay madaafiicdu kula dhacday xaafadahooda, kuwaasoo ay ku harsanaayeen, iyadoo dagaalku uu bilowday markii ay xoogaga hubeysan weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

"Xalay oo dhan waan soo jeednay dagaalku wuxuu bilowday 2:00-habeenimmo, waxaana kusoo dhacay xaafaddeenna madaafiic badan" ayuu yiri goobjooge ka mid ah dadkii ku harsanaa degmada Boondheere.

Madaafiicda ayaa waxay intooda badan ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Boondheere, Shibbis iyo Yaaqshiid oo dhammaantood ku yaalla dhanka waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

"Duqeyntii xalay oo keliya waligeen ma arag, madaafiicdu waxay ahaayeen kuwo si isdaba-joog ah u socday, saakay dadkii oo dhan xaafadda way ka qaxeen" ayay tiri hooyo wadatay dhowr caruur ah oo qaxaysay.

Xaafadaha ay madaafiicdu ku dhaceen ayaa waxaa ka socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay barakac kaddib cabsi ku aaddan dagaalka ay ku baaqday Dowladdu inay ku qaadayso deegaannada ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiinta ah.

Dagaalkan ayaa yimid iyadoo duqeymo xoogan oo geystay khasaare nafeed ay shalay ka dhaceen degmooyinka ay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Boondheere, kuwaasoo u dhexeeyay Dowladda iyo Islaamiyiinta kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya