Maamulka Alshabaab ee Gobollada Jubbooyina oo Diyaargarow ugu jira dagaal ay kaga hortagaan ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya oo la doonayo in ay caawiyaan dowladda Soomaaliya

Isniin, February 08, 2010(HOL): Ciidamada Xarakatu shabaabul mujaahidiin ee gobollada jubooyinka ayaa waxa la galiyay heegan iyo diyaargarow ciidan oo aad u xoogan iyadoo diyaargarowga ciidan ee ay sameynayaa ciidamada maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka laga dareemayo gudaha magaalada kismaayo ee xarunta u ah gobolka j/hoose.

Gudoomiya k/xigeenka maamulka alshabaab ee gobollada jubooyinka Sheekh Xuseen c/geedi oo u waramayay saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay geliyeen heegan dagaal kaa oo uu sheegay in ay kaga hortagayaan weerar uu sheegay in uu kaga soo wajahanyaha dhanka ciidamada ay Kenya soo tababartay ee soomaalida ah kuwaas oo uu sheegay in la keenay xadka ay somaliya kala wadaanto Kenya dhanka gobolkan j/hoose.

Gudaha magaalada kismaayo ayaa lagu dhex arkayaa gaadiidka dagaalka iyo weliba ciidamo aad u tiro badan kuwaa oo la sheegay in ay ku wajahanyihiin dhanka xadka ay somaliya la wadaagto wadanka Kenya, halkaas oo ay soo dhoobteen ciidamo la sheegay in ay leedahay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo mudooyinkii aynu soo dhaafnay tababarro uga soconayeen gudaha wadanka Kenya.

Diyaargarowgan ciidan ee ay sameynayaa xoogaga xarkatu shabaabul mujaahidiin ee gobollada jubooyinka ayaa ah kii ugu xooga badnaa tan iyo intii ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku haynta gobollada jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya