Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo codsaday in gacan laga geystaan dhismaha Guriga Ummadda (DAAWO SAWIRRO)


Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta booqasho ku tagay Guriga Ummadda ayaa ka dalbaday hay'adaha gargaarka iyo shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan dayactirka xarutaas ka socda.

 

Shir jaraa'id oo uu Sheekh Aadan Madoobe ku qabtay Golaha Shacabka oo uu ka socdo dayactir lagu sameynayo ayaa sheegay in xidhibaannada baarlamaanka ay shir ku yeelan doonaan xarunta marka la dhemystiro dayactirkeeda.

 

"Golaha Shacabka waxaan rajeynayaa in dhawaan baarlamaanku uu ku yeesho shirarkiisa caadiga ah, sidaa daraadeed waxaan ka codsanaynaa hay'adaha gargaarka iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan dayactirkeeda" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

 

Afhayeenka Golaha shacabka ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in DFKMG ah ee Soomaaliya ay xoogga saarayso sidii lagu dhameystiri lahaa dhismaha Guriga Ummadda oo uu sheegay inuu muhiim u yahay howlaha baarlamaanku hayo.

 


Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheeagy in Injineerradii Talyaaniga ahaa ee dhisay xaruntaha Golaha shacabka aysan imaan karin dalka, balse ay kusoo wageliyeen inay qayb ka bixin doonaan kharashka isla markaana ay talooyin bixin doonaan.

 

Waa markii ugu horreysay oo dayactir lagu sameeyo xarunta Gobolka Shacabka 18-kii sano ee uu dalku burbursanaa, waxaana xaruntaas ku taalaa meel ku dhow xarumaha Dowladda Soomaaliya sida Madaxtooyada.

 

Todobaadyo ka hor ayaa la bilaabay dayactirka xarunta iyadoo la bilaabay in wax laga qabto burburka Guriga Ummadda oo ay waxyeello ba'an kasoo gaartay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya