Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo uu ka mid yahay Afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa soo bandhigay sarkaal ay sheegeen inuu kaso goostay Dowladda iyo qoryo fudud oo gaaraya 50-qori.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada kale ee Dowladda ay ugu baaqayaan inay kasoo baxaan xeryaha ay ku jiraan, ayna kusoo biiraan walaalahood.
"Wararka la idiin sheegayo ee ah in haddii baxsataan oo aad u gashaan Al-Shabaab ay idin gowracayaan waa been, waayo waxaan gowrici lahayn walaalkiin oo maanta si sharaf leh noola jooga" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ugu baaqayay ciidamada Dowladda inay dhankooda soo maraan.
Sarkaalka iyo hubka ayaa lagu soo bandhigay Xeradii Guulwadayasha ee jidka warshadaha, iyadoo la sheegay in hubka ay wateen askar la socday sarkaalka, balse aan lagu soo bandhigin goobta saxaafadda lagu tusay sarkaalka iyo hubka.
Baashi Axmed Urur oo ah sarkaalka la sheegay inuu kasoo goostay Dowladda ayaa hadal uu ka jeediyay halkii saxaafadda lagu tusiyay ayaa sheegay in ciidamadii uu ka tirsnaa uu kaga kalsoon yahay kuwa uu maanta la joogo.
"Meeshii aan ka imid iyo halka aan imid wax isku-dhow ma ahan, fikirkii aan haystay ee ku aaddan Al-shabaabna waa been waxaana dareemay farxad" ayuu yiri Baashi oo ugu baaqay askarta ku harsan saldhiggii uu ka tirsnaa oo ku yaalla Jasiira inay iyaguna kasoo baxaan halkaas.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in xeradii ay ku jireen ay dhowr jeer ku dagaalameen, taasna ay keentay inay askar iska dilaan, isagoo sheegay inay amarka ka qaadan jireen saraakiil u dhashay Uganda iyo Mareykanka.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin sarkaalka lasoo bandhigay oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii lagu soo tababaray dalka Jabuuti lana doonayo inay qayb ka qaataan howlgalka lagu weerarayo goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha Dowladda ka horjeeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya