Isniin, Feb, 8, 2010 (HOL) Wararka laga helayo degmada Ceel-barde ee Goballka Bakool oo maalintii shalay ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka jireen kulamo xasaasi ah oo ay lahaayeen Saraakiisha horkaceysa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee halkaa ku sugan.
Kulamada labada dhinac oo la sheegay in ahaayeen kuwo siweyn leysugu dheeraaday ayaan dhab ahaan cadeyn waxa looga wada hadlay, laakii ilo xog-ogaal ah oo Saxaafadu soo xigatay ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya kala hadleen Saraakiisha Dowladda Soomaaliya arrmo u badan amaanka, gaar ahaan sidii ay u gadan lahaayeen waajibaadka saaran ee ah in gacanta Dowladda Soomaaliya lagu soo celiyo Goballada Bay iyo Bakool.
Ciidamada Itoobiya ee gaaray deegaannka Ceel-barde iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay ka wadeen deegaannka howlgalo lagu qab qabtay qaar ka mid ah dhaliyarada deegaannka kuwaa oo sida la sheegay Ciidamadu ka shakiyeen, waxaana wararku intaa ku darayaan in qaar ka mid ah dadka la qab qabtay loo kaxeeyay dhinaca dhulka Ismaamulka Itoobiya.
Ma'aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanku gudaha u soo galaan qeybo ka mid ah dalka Soomaliya, laakiin dhaqdhaqaaqyada hadda socda ayaa ah kuwo dadku shaki badan ka qabo maadaama maalmihii aynu soo dhaafnay ay jirtay hajabaado ka soo baxayay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwa oo ku cel celinaya in maalmaha ina soo aadan ay qaadi doonaan weraro ay ku qabsanayaan goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]